MECCRD

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Isbedelka Cimillada iyo Horumarinta reer miyiga ee Dowladda Galmudug mudane Senator SAID SIYAD SHIRWAC iyo Agaasimaha guud ee wasaradda

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Isbedelka Cimillada iyo Horumarinta reer miyiga ee Dowladda Galmudug mudane Senator SAID SIYAD SHIRWAC iyo Agaasimaha guud ee wasaradda mudane DAHIR OSMAN (Dahir Copy) ayaa kawada qayb galay kulanka guddiga mashruuca qaran ee [Board Meeting for the National Adaptation Plan].

Kulankaan oo ay soo qaban qaabiyeen wasaradda deegaanka iyo isbedelka cimilada Dowladda fedraalka somalia iyo ha’ayadda UNDP ayaa lagu soo bandhigay qorshaha qaranka ee isbedelka cimillada.

Kulankaan waxaa goob joog ahaa wasiirrada wasaradaha deegaanka iyo isbedelka cimilada heer dowlad goboleed Amb Khadija Mohamed Al-makhzoumi, Agaasimayaasha guud ee wasaradaha iyo iskuduwayaasha mashruuca laqabsiga isbedelka cimilada ee heer Dowlad goboleed iyo madaxda ugu sareeysa hay’ada UNDP.

Kulankaan ayaa ugu danbeyn lagu ansixiyey mashruuca Laqabsiga Isbedelka Cimilada kaas oo soo socday mudo sedax sano ah.

Ansixinta Qorshaha Qaran ee la Qabsiga Isbedelka Cimilada waa Guul wayn oo Soomaalia u soo hoyatay, Qorshahaan waxaa la horgayn doonaa shirwaynaha aduunku isugu imaanayo ee isbedelka cimilada (COP29) Ansixinta Qorshaan Qaran waxa uu Meesha ka saari doonaa in aduun qorshe la’aantii Isbedelka Cimilada soomaaliya in mudo ah soo haysay (National Adaptation Plan).