MECCRD

Wasaaradda Deegaanka, Isbedelka Cimilada iyo Horumarinta Reer Miyiga ayaa munaasibada maalianta deegaan aduunka awgeed oo ku beegan 5 June 2024 oo sanad kasta la xuso ayaa

Wasaaradda Deegaanka, Isbedelka Cimilada iyo Horumarinta Reer Miyiga ayaa munaasibada maalianta deegaan aduunka awgeed oo ku beegan 5 June 2024 oo sanad kasta la xuso ayaa wasaaradu waxa ay qaybisay in ka badan 2500 oo geed lana gaarsiiyay 11 Degmo iyo deegaano kale oo muhiima. Hal ku dhiga sanadkaan ayaa ahaa Dib u dhiraynta Dhulka, ka hortaga nadaam guurka iyo u adkaysiga abaaraha. Si loo looga hortago saamaynta isbedelka cimilada wasaaradda waxaa u qorshaysan ayada oo ka duulaysa halku dhigii madaxwaynaha Qaranka ee ahaa Soomaali cagaaran in ay gaarsiido qaybinta 10,000 geed.