MECCRD

Wasaaradda Deegaanka, isbedalka cimilada iyo Hurumarinta reer miyiga Galmudug ayaa Magaalada Cadaado ku qabatay maalinta Deegaanka adduunka.

Wasaaradda Deegaanka, isbedalka cimilada iyo Hurumarinta reer miyiga Galmudug ayaa Magaalada Cadaado ku qabatay maalinta Deegaanka adduunka.

Munaasabada oo ay goob joog ahaayeen Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye, masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimillada ee DFS, mudanayaal ka tirsan baarlamaanka DFS iyo masuuliyiinta labada gole ee Dowladda Galmudug.

Munaasabada ayaa lagu qabtay beer weyn oo laga hirgaliyay Degmada Cadaado taasoo oo uu isla maanta xarigga ka jaray Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye iyadoo sidoo kale uu dhagax dhigay ceel biyood ay Dowladda Galmudug ugu deeqday beerta.