Wasiirku Xigeenka Wasaaradda Deegaanka, Isbedelka Cimillada iyo Horumarinta Reer Miyiga ee Dowladda Galmudug Mudane Xildhibaan Abdirahin Ahmed Igal iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Dahir Osman Nor ayaa Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb ka furay Tababar ku Saabsan Dhisidda Awoodda Heerka Tayada, U Hoggaansanaanta iyo la Socodka Deegaanka.
Tababarka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Deegaanka, Isbedelka Cimillada iyo Horumarinta Reer Miyiga Dowladda Galmudug oo taageera ka heleysa hay’adda UNDP ayaa waxaa kasoo qeyb galay xubna ka socday Wasaaradaha Galmudug, Dowladda hoose ee Dhuusamareeb iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda oo tababarka furay ayaa tilmaamay tababarrada nuucaan oo kale ah in muhiimad weyn ay u leeyihiin Waxka qabashada Deegaanka iyo Isbedelka Cimillada isla markaana xusay in ay sii joogteyn doonaan kor u qaadista aqoonta bulshada.
Dhanka kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka, Isbedelka Cimillada iyo Horumarinta Reer Miyiga Mudane Dahir Osman Nor ayaa kaso qeyb galayaasha tababarka kula dardaarmay in ay ka qeyb qaataan wacyi galinta bulshada isla markaana ay dadka kale uga sii faa’iideeyaan casharradii ay tababarkaan ku qaateen.




