MECCRD

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka, Isbeddelka Cimillada iyo Horumarinta Reer Miyiga ee Dowladda Galmudug Mudane Xildhibaan Abdirahin Ahmed Igal

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka, Isbeddelka Cimillada iyo Horumarinta Reer Miyiga ee Dowladda Galmudug Mudane Xildhibaan Abdirahin Ahmed Igal oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Dahir Osman Nor ayaa maanta Wasaaradda kuso dhoweeyeen Saraakiil sare oo ka socotay Hay’adda NRC.
Sido kale soo dhoweynta saraakiisha ka socotay hay’adda NRC ayaa waxaa qeyb ka ahaayeen qaar kamid ah shaqaalaha wasaaradda, waxaana soo dhoweyn iyo kulan kadib kormeer ay hor kacayeen Wasiir ku xigeenka iyo agaasimaha guud ee wasaaradda lagu tagay goob ay wasaaraddu leedahay oo lagu barbaariyo dhirta.
Saraakiisha NRC ayaa ballan qaadeen in ay garab taagan yihiin wasaaradda deegaanka, isbedelka cimillada iyo horumarinta reer miyiga iyagoo ka taageeri doona xarun lagu barbaariyo dhirta si loogu qeybsho ama loogu tallaalo dhammaan xarumaha dowladda iyo goobaha dadweynaha.