Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka, Isbedelka Cimillada iyo Horumarinta Reer Miyiga Mudane Dahir Osman Nor oo ka qeyb galay Shir Looga hadlayay Saameynta isbedelka cimilladu ku leedahay Nabada, Amniga Iyo Cadaaladda.
Shirka ayaa waxaa daah-furay Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid waxaana sidoo kale kasoo qeybgalay Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, Agaasimaha Guud ee Madaxtoyada, agaasimayasha guud ee wasaaradaha dawlada Galmudug, ku xigeenka Xeer ilaaliyaha guud, Gudomiyaha Maxkamadda Gobolka Galgaduud, Taliyaha C.I.D Galmudug iyo Saraakiil laamaha amniga ka kala socotay iyo qeyb kamid ah bulshada rayidka.
Shirka ayaa waxaa si wadajir ah usoo abaabulay Xaafiska Amniga Qaranka, Xaafiska Amniga Galmudug iyo Wasaaradda Deegaanka iyo isbedelka cimilada Shirka ayaa waxaa si qoto dheer loogu falanqeeyay dhibaatada Isbedelka cimiladu ku leedahay habsami u socodka hawlaha amniga iyo cadaaladda iyo guud ahaan adeegyada dadweynaha iyo sidii looga hortagi lahaa ama la iskaga caabin lahaa isbeddeka cimilada iyada oo kor loo qaadayo wacyiga bulshada. Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Deegaanka, Isbeddelka Cimillada iyo Horumarinta Reer Miyiga.