MECCRD

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka, Isbedelka Cimillada iyo Horumarinta Reer Miyiga Galmudug Mudane Dahir Osman Nor ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka, Isbeddelka Cimillada iyo Horumarinta Reer Miyiga ee Dowladda Galmudug Mudane Xildhibaan Abdirahin Ahmed Igal ayaa shir guddoomiyay kulanka Shaqaalaha Wasaaradda. Kulanka oo lagu qabtay xarunta dhexe ee wasaaradda ayaa waxaa goobjoog ka ahaay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda mudane Dahir Osman Nor iyo qaar kamid ah shaqaalaha Wasaaradda.
 
 
Qaar kamid ah Agaasime waaxeedyada wasaaradda iyo shaqaalaha wasaaradda ayaa laga dhageystay warbxinno ku aadan shaqooyinka ay wasaaradda u hayaan, caqabadaha ay kala kulmeen, talo iyo tusaale waxa ay qabaan. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda ayaa shaqaalaha wasaaradda faray in ay dar-dar galiyaan shaqaayinka mudnaanta u leh wasaaradda ka hor inta uusan dhammaan sanadkaan 2024ka.